Weyddiin Baarineedka Casharkii afar iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay aaladda daawashada kaqaygalaha (Participant observation). Casharkan waxa aynu ku baran doonaa weyddiin baarineedka (research question) cilmibaarista. Weyddiin baarineedku waa in uu yahay mid ku fadhiya mowduuca uu cilmibaaruhu xiisaynayo; ka hor inta uusan dhigan weyddiintu, marka hore wuxuu baadigoobayaa mowduuca xiisa galinaya. Weyddiin baarineedka […]

Boqoradii waxay sheegeyn sheeko. Meles wuxuu sheegay sheeko. Abiy [Ahmed] isagana wuxuu u mucurteysan yahay in uu sheeko sheego.   Dhammaadkii boqortooyadii Zagwe, ee ku beegnayd qarnigii afar iyo tobanaad, xilligaasi Itoobiya waxay qarka u saarnayd kala firdhasho. Dagaal-oogeyaashii maamul gobaleedyada waxay ku loollamayn figta sare [awoodda dalka] halka qarankiina uu dhex maquuranaayay kala qoqobnaansho. […]

Daawashada Kaqaybgalaha Casharkii saddex iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay sida uu cilmibaaruhu u wareysan karo dadka madaxda ah ama siyaasiyiinta. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa aaladda daawashada kaqaybgalaha (participant observation) ee cilmibaarista. Daawashada Kaqaybgalaha-marka cilmibaaruhu laftirkiisu uu qayb ka yahay tijaabada (Experiment), isaga oo dowrkiisuna yahay in uu daawashado dareenka, ficilada iyo […]

Wareysiga Madaxda Casharkii laba iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay aaladda wareysiga. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa sida uu cilmibaaruhu u wareysan karo dadka madaxda ama siyaasiyiinta rugcaddaayaasha ah (political elites). In cilmibaaruhu wareysto xubno ka mid ah xisbiyo ama siyaasiyiin waa hawl inta badani ay u gooni tahay baarista siyaasadda (political research). […]

  Wixii ka dambeeyey dhacdadii ‘Gu’gii Carabta’ (Arab Spring) dunida waxaa ku dulwareegtay dhacdooyin la siyaasadeeyey, intooda badan loo adeegsaday ujeeddooyin maanduub (Manipulation).  Haddii aynu dib u eegno jiritaanka dhacdooyinka dunida, laba meel ayaa ilo u ah: Midda koowaad, dhacdooyin dabiici ah oo laga soo xukumay samada. Tan labaad, dhacdooyin aan dabiici ahayn, taas oo […]

AALADDA WAREYSIGA Casharkii koow iyo tobanaad waxa aynu ku soo baranay hab baarineedka tayada, iyada oo kooban. Casharkan waxa aynu ku baran doona aaladda wareysiga (Interview), oo ka mid ah mid ka mida labada aalad ee loogu isticmaalka badan yahay marka la joogo marxaladda xog uruurinta habka tayada (Qualitative Method). Ujeedka uu cilmibaaruhu u adeegsanayo […]

Hab Baarineedka Tayada Casharkii tobanaad waxa aynu ku soo baranay hab baarineedka tirada ama nambarada (Quantitative Research Methodology), iyada oo kooban. Casharkan waxa aynu ku baran doonaa hab baarineedka tayada (Qualitative Research Methodology). Ka hor inta aan gudaha u galin casharkan, bal aan qeexo hab baarineedka tayada. Iga hoo qeexitaan fudud, habka tayada (Qualitative Method) […]