Author Archives: Hassan Mudane

Mushkiladaha Daahsoon

Aqoonta laga helo cilmiga “Anthropology” waxaa lagu xalin karaa wax badan oo ka mid ah mushkiladaha naga haysta dhanka dhaqan nololleedka iyo dhaqan siyaasiga bulshadeena, waa haddii aqoonyahanku si dhab u derso dhaqan nololleedkaas. Bulshadeena waxaa ku furan mushkiladu kala duwan, haba ugu horreeyaan kuwa hadda taagan sida dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iwm. Waxaa kaloo jira […]

Xiriirka Dhaqaalle Ee Shiinaha iyo Afrika

Maalmahaan waxaan warbaahinta BBC da qaybteeda Afrika kala socday qoraallo badan, oo laga sameeyay dhaqdhaqaaqyada ganacsi uu Shiinuhu ka wado Afrika. Qoraalladaas waxay u badnaayeen naqdin iyo dacaayad siyaasi ah (Political propaganda). Shiinuhu, waxaa lagu dhaliilay in uu la yimid caqliyaddii gumeystaha, oo ku dhisnayd ka macaash khayraadka Afrika. Laakiin Shiinuhu, wuxuu ku andacooday in […]

BOOQASHADII FARMAAJO EE ERITREA IYO WELWELKA JABUUTI

Farmaajo iyo Afawerki, labaduba waxaa isku keenay maslaxad qaran. Marka la joogo xiriirka caalamiga gaar ahaan siyaasadda dibadda, dal walba xiriirkiisa dibadeed wuxuu ku bees garaynayaa dan qaran. DANTII ERITREA?  Afawerki, wuxuu masraxa xiriirka caalamiga ka maqnaa muddo ka badan 20 sano, taas oo ugu dambayn galisay go’doon dhaqaale iyo mid diblomaasiyad. Dalkiisa yar, waxyaabahii […]

ALSHABAABKA MUSANBIIG

  Waa koox dhallinyaro mayal adag oo ka dagaalama dalka Musanbiig, waxaa la dhahaa ‘Ansar al-Sunna’ laakiin dadka deegaanka waxay u yaqaanaan Alshabaab. Waxay degan yihiin gobalka “Cabo Delgado,” oo ah gobal ay ku badan yihiin muslimiin, wuxuu hodan ku yahay macdan iyo shidaal. Waxaa la aasaasay sanadkii 2014 laakiin saddex sano ka dib ayay […]

AMISOM KA DIB: MAXAY QAADANAYSAA AMNIGA SOOMAALIYA?

Soomaaliya waa in ay ka gudubtaa afar caqabadood si ay u hesho amni sugan. Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay qorsheynayaan in mar kale ay hirgeliyaan kalagguur. Markan, ujeedku waa in ciidamada Amisom laga wareejiyo sugidda amniga iyada oo lagu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya. Qorshehan kalagguurka wuxuu soo baxay sanadkan 2018. Wejigiisa koowaad, waxaa la qorsheeyay […]

AKHRISKA SIYAASAD DHULEEDKA GEESKA AFRIKA

Wixii ka dambeeyay qaraxii 9/11, siyaasad dhuleedka geeska afrika wuxuu noqday mid u furan sheeko hal dhinac ah-argagaxiso. Taa waxaa xigtay mid kale oo iyadana ka saamayn badnayd-burcad badayd. Tobankii sano ee u dambaysay, gobolka waxaa ku loollamay dalal kala dan ah, mid walba wuxuu rabay in uu saamayn dhaqaale iyo mid siyaasi ku yeesho […]

CAQLI COL HORTII JABAY

“Addoonku wuxuu xorriyaddiisu u maraa qulqulad.” -Frantz Fanon Hawraartaa kor ku xusan ee taariikhdu ka weelaysa halgamaagii xaqudirirka ahaa ee Frantz Fanon, waxay hab tusmayn u tahay dhallinyarada Muqdisho ee ku sugan tallan nololeed iyo geeri. Weertaas nuxurkeeda waxaa laga heli karaa murtida dhahaysa “shantu nimayna kaa celin sharci kaama celiyo.” Shiddada siyaasadeed, dilka qorshaysan iyo dulmiga […]