Mushkiladaha Daahsoon

complex-problems

Aqoonta laga helo cilmiga “Anthropology” waxaa lagu xalin karaa wax badan oo ka mid ah mushkiladaha naga haysta dhanka dhaqan nololleedka iyo dhaqan siyaasiga bulshadeena, waa haddii aqoonyahanku si dhab u derso dhaqan nololleedkaas. Bulshadeena waxaa ku furan mushkiladu kala duwan, haba ugu horreeyaan kuwa hadda taagan sida dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iwm. Waxaa kaloo jira mushkilado kale oo la xiriira qarannimada Soomaalida, waana wax u baahan in qofka muwaaddinka ah uusan u daymo la’aan. Sida loo qori karo taariikh qaran iyo fahamdarrada ku aaddan isir qaranka ku dhisan magaca guud ee Soomaalinnimo laftirkooda waa mushkilado aqoonyahanku raacdeenayo xalkooda.
Laba bil ka hor ayay ahayd mar aan idin la wadaagay maqaal ku saabsan caqabadaha hortaagan in la dhiso ciidan qaran oo ka mid noqda astaamaha qaranku leeyahay. (Halkan ka akhriso maqaalkii: https://www.researchgate.net/…/332410318_MAXAA_HORTAAGAN_DH…).

Dhibka na haysta keli kama jiro dhanka siyaasadda iyo dhismaha ciidan qaran, balse mustaqbalka dhow in la helo dhismaha taariikh qaran oo la wada leeyahay iyo in aynu wax ka ogaano waxyaabaha go’aamiya isirka qarannimadeena. Dhanka taariikhda marka la eego, aqoonyahanka dersa ammuuraha Soomaalida wuxuu isweyddiinayaa sida ay ku suuraggali karto in la helo taariikh qaran oo Soomaaliyoo idil u dhantahay (inclusive national history) iyo waxyaabaha aynu ka dhiganayno astaamo qaran (national symbols), si jiilka cusub ay u akhristaan taariikh qaran oo ka tarjumaysa dhaqan nololleedka dhammaan qabaa’ilka Soomaalida. Tani laftirkeeda waxay inoo xawilaysaa muskhilad kale, taas oo ah sida loo heli karo astaan qaran oo taariikhaysan (a national heroic history)? Tus. Astaanta qaran ee taalada Sayidka, ma Soomaali oo dhan baa isku raacsan? Si kale u dhig, Soomaalida ku nool dhulka fog ee miyiga Seylac ama kuwa ku nool mid ka mida magaallooyinka waaweyn; halgankii sayidka iyo astaantiisa ma waxay u arkayaan halgan qaran iyo astaan u taagan dhammaan Soomaalida mise waxay la tahay astaan qabiil? Waa hawl baarineed laga rabo in uu ka warkeeno aqoonyahanka raadraaca dhaqan nololleedka iyo nolosha siyaasiga Soomaalida.

Marka aan ka soo tego mushkiladda naga haysata dhismaha taariikhda qaran, waxaan isweyddiinayaa waxa go’aamin kara isir qaranka Soomaalinnimo ee aynu sheegano. Ma dhaqan wadaag mise dhiig iyo ab wadaag? In Soomaalidu tahay dhaqan wadaag waxaa ka taagan dood, waayo markii aan qoraayay buuggaygii jaamacadda waxaan xusuustaa in aan ku dul kufay dood akedemiyeed u dhexeysay koox indheergarad ah; koox uu ugu horreeyo Barafasor Abdi M. Kusow iyo koox liddi ku ah, oo ugu afdheeraa Barafasor Abdi I Samatar. Kooxda hore, waxay ku doodeen in Soomaalidu kala dhaqan duwan tahay (heterogeneous society), iyaga oo u kala qaybiyay: kuwa xoolo raacato ah iyo kuwa beeraley ah. Kooxda liddiga ku ah dooddaas, iyagana waxay dhaheen Soomaalidu waa dadyow dhaqan wadaag (homogeneous society) ah.

Haddii ba muran ka taagan yahay dhaqan wadaagii asaaska u ahaa dhismaha isir qaranka Soomaalida maxaa kale oo go’aamin kara qeexitaanka isir qarankeena? Anigu, waxaan soojeedinayaa aragti kale oo aan isleeyahay waxay xal u noqonaysaa muskhiladdan. Inkasta oo aan aad uga dayriyay in Soomaalidu yihiin dadyow wadaaga dareenka Soomaalinnimo. Halkan ka akhri maqaalkii: https://www.academia.edu/35620605/QABIIL_IYO_QABYAALAD. Laakiin soojeedintayda ku aaddan jaangoonta aan rabo in aan u sameeyo isir qaranka Soomaalida waa mid ku duldhisan fekradda ah “Collective Self-Consciousness”-waa marka bulshadeena noqoto dadyow aan isku arkin keli in uu ka dhexeeyo dhaqan laakiin ay ku baraarugsan yihiin in ay kaga duwan yihiin ummadaha kale ee adduunka ku nool. Haddii dareenkaasi la helo waxaan dhihi karaa sheegashadeena ku aaddan in aynu nahay dadyow isku isir ah waxaa jirrid u ah dareen wadareedka la socda dhaqan wadaaga na garawsiinaya in aynu nahay qaran ka soocan qaramada kale. Qofka Soomaaliga ah ee ku nool miyiga fog waa in uu ku baraarugsan yahay in ay jiraan dadyow Soomaali la ah, oo la wadaaga af, xiriirna kala dhexeeyo, ogna in ay la haystaan dhaqankiisa. Haddii taa la helo waxaan dhihi karaa waxaynu nahay dadyow isku isir qaran ah.

Qarannimada Soomaalinnimada ah ha noolaato.

WQ: Hassan Mudane

Lafogure Arrimaha Afrika

Advertisements

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: