BOOQASHADII FARMAAJO EE ERITREA IYO WELWELKA JABUUTI

5DFC8EFE-0D07-4963-AD3B-8400088F0E55_w1023_r1_s

Farmaajo iyo Afawerki, labaduba waxaa isku keenay maslaxad qaran. Marka la joogo xiriirka caalamiga gaar ahaan siyaasadda dibadda, dal walba xiriirkiisa dibadeed wuxuu ku bees garaynayaa dan qaran.

DANTII ERITREA? 
Afawerki, wuxuu masraxa xiriirka caalamiga ka maqnaa muddo ka badan 20 sano, taas oo ugu dambayn galisay go’doon dhaqaale iyo mid diblomaasiyad. Dalkiisa yar, waxyaabahii lagu eedeyn jiray waxaa ka mida in uu qayb ka ahaa amniddarrada Soomaaliya iyo in uu gacansiiyo Alshabaab. Intaas waxaa u sii dheer, cunaqabatayn dhan walba ah. Wixii ka dambeeyay booqashadii Abiy Ahmed ka Itoobiya uu ku tegay Eritrea, waxaa u furmay albaab cusub oo uu dalkiisa kaga bixin karo dabinka go’doonka. Markii Abiy Ahmed uu beesha caalamka ka codsaday in Eritrea laga qaado cunqabataynta, Afawerka isaga oo ka faa’ideysanaya baaskaas diblomaasiyadeed, wuxuu mar kale dejiyay shax kale oo uu rabo in uu kaga dabbaasho cunaqabataynta saaran iyo go’doonka. Wuxuu casuumay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo, booqashadiisa iyo baaqiisa ku aaddan in Eritrea laga qaado cunaqabataynta waxay guul diblomaasiyadeed u ahayd Eritrea, waase u guuldarro Jabuuti. Waayo siyaasadda Jabuuti ee ku aaddan Eritrea waa mid ku dhisan guuldarradaada waa ii guul (Zero-sume game). Afawerki, sidaas ayuu baaskii labaad ee uu kaga baxsan karo dabinka cunaqabataynta kaga helay Soomaaliya.

DANTII KAGA XIRNAYD SOOMAALIYA?
Farmaajo, isagana wuxuu ciyaaray diblomaasiyad kale, taas oo horay u isticmaalay Abiy Ahmed. Diblomaasiyadda ku saabsan wanaajinta xiriirka dowladaha deriska kula ah si aad albaabada uga soo xirto fursadda ay ururada mucaaradka sida Alshabaab iwm gabaad kaga heli karaan. Waxaa la dhihi karaa Soomaaliya waxaa ugu jirtay maslaxad ah, ugu yaraan in la yareeyo shiddada siyaasadeed ee ka imaan karta dowladaha martigalin kara ururada khatarta ku ah maslaxadda dowladda.

WELWELKA JABUUTI
Jabuuti, waxaa haysta laba walaac:
1. loollanka siyaasad dekedeedka ka socda gobolka iyo midda gaar ahaaneed ee ay kula jirto dekedaha Eritrea.
2. In Eritrea laga qaado cunaqabataynta. Tan dambe, Jabuuti waxay ku haysaa cabsi dhanka amniga ah. Waayo guusha Eritrea waa uu guuldarro Jabuuti.

Jabuuti, hadda waxay dhex maquuranaysaa siyaasad dhuleed tallan. Waxaa u furan in ay beddesho mawqif siyaasadeedkeeda dibadda ee ku aaddan dowladaha deriska sida Eritrea.

WQ: Hassan Mudane

Lafogure Arrimaha Afrika

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: