AKHRISKA SIYAASAD DHULEEDKA GEESKA AFRIKA

EastAfricaMap

Wixii ka dambeeyay qaraxii 9/11, siyaasad dhuleedka geeska afrika wuxuu noqday mid u furan sheeko hal dhinac ah-argagaxiso. Taa waxaa xigtay mid kale oo iyadana ka saamayn badnayd-burcad badayd. Tobankii sano ee u dambaysay, gobolka waxaa ku loollamay dalal kala dan ah, mid walba wuxuu rabay in uu saamayn dhaqaale iyo mid siyaasi ku yeesho geeska Afrika si mustaqbalka fog uu uga kalluumaysto. Legdinkaas dhaqaale siyaasiga ah wuxuu keenay isbeddel yeelan kara laba weji: Qulqulad siyaasadeed iyo Macaash dhaqaale.

Marka ay timaaddo akhriska siyaasad dhuleedka bariga afrika waa muhiim in la tixgeliyo marinka badda cas. Prof. Ali Mazrui, wuxuu ku andacooday in badda cas tahay tan ugu saamaynta badan taariikhda Afrika. Robert Aliboni, buuggiisa “The red sea region: Local actors and the superpowers” wuxuu ka mid yahay buuggaagta ugu hodansan ee dhigay muhiimadda siyaasad dhuleedka badda cas.

Siyaasadda badda cas waa tan keentay, in Turkigu uu Suudaan kula heshiiyay maamulidda jasiiradda Sawakiin, oo isgoys u ah gacanka cadan iyo badda cas. Halka Imaaraadka uu Elatereya ka saxiixday in uu la wareego magaal xeebeedka Assab. Sidoo kale, wuxuu hadda degan yahay jasiiradda Suqadara ee Yemen. Halkaas waxa aynu ka akhrisan karnaa ahmiyadda juqraafi ee badda cas iyo loollanka u dhexeeya lixdaan kalluumaysato: Turkiga, Imaaraadka, Masar, Sucuudiga, Shiinaha iyo Maraykanka.

ISBEDDELADA GEESKA AFRIKA

Isbeddelada ka socda geeska Afrika wuxuu abuuray yididdiilo ku aaddan helidda korriimo dhaqaale, waana tan keentay in dalalka gobolka ay u kala baratamaan suuqgaynta dekedahooda. Jabuuti, oo ah dal leh saamayn siyaasad dhuleed aan la dhayalsan karin, wuxuu qayb weyn ka ciyaaray siyaasad dekedeedka ka jira gobolka. Wuxuu ka mid yahay dalalka sida waalida ah uga macaashay maalgalinta shiinaha. Tuhunkayga, dalkaas yar wuxuu sabab u ahaa siyaasadda cusub Imaaraadka ee ku dhisan “la qabso ku qadi meyside,” taas oo uu saami kaga helay dekedda Berbera iyo in uu fadhi militari ku yeesho magaalada Assab, ee Elatereya. Imaaraadka iyo Jabuuti, labaduba hadda waxaa ka dhexeeya loollan ciyaarayd ku dhisan “Guuldarradaada waa ii guul” (Zero-sum game).

Imaaraadku, markii laga soo eryay maaraynta Doraleh Container Terminal (DCT), oo uu ku lahaa saami dhan boqolkiiba 33, beddelkeeda wuxuu doorbiday aargudasho. Si uu meesha uga saaro isku halaynta dekedaha Jabuuti, wuxuu u kalluumaysi tegay dekedaha Soomaaliya, Elatereya iyo saaxiibtinnimada Itoobiya. Ujeedka wax kale ma aha oo aan ka ahayn khalkhal galinta dekedaha Jabuuti.

Kenya, waxaa ka socda mashruuc aan innaba caadi ahayn. Mashruuca (LAPSSET)-dekedda Lamu, tubbooyin qaada shidaalka, waddooyin waaweyn iyo tareen isku xiri doono dalka Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya-qorshe u eg hal dhagax laba shimbir ku dil. Mashruuca waxaa ku bixi doona qarash lacagayd oo gaaraya 25 bilyan oo doollar. Haddii mashruucani guulaysto, Kenya waxay noqonaysaa dal ka macaashi doono isbeddelada gobolka ka socda, iyada oo halkaas ka helaysa kobac dhaqaale oo xooggan.

Itoobiya, waxaa ka dhacay isbeddel siyaasadka ugu xiisaha badan iyo mid dhaqaale. Isbeddelkaas oo la oran karo waxaa sababay cadaadis ka yimid qowmiyadda Amxaarada, Oromada iyo dhaqaalexumo. Heshiiskii dhexmaray Elatereya iyo Itoobiya oo lagu tuhmi karo in Imaaraadku uu garwadayn ka ahaa, maadaama ay dani ugu jirto in Itoobiya ay ka wareegsato ku tiirsanaanta dekedda Jabuuti. Itoobiya laftirkeeda waxay raadinaysaa fursad ay kaga dabbaalan karto dabinka dekedeedka Jabuuti, oo boqolkiiba 90 ay kaga xiran tahay ganacsigeeda dibadda, laakiin hadda waxaa u furan dekedda Berbera oo ay ku leedahay saami dhan 19, dekedda Lamu-Kenya, dekedda Assab iyo Massaw ee Elatereya iyo 4 ta deked ee kula heshiisay Soomaaliya.

SIDEE ISBEDDELADAAS LOOGA MACAASHAY?

Dalalka Bariga Afrika, mid walba isaga oo ilaalinaya danahiisa qaran, wuxuu si qumman uga dheefsaday isbeddelada ka socda gobolka. Dalka Suudaan ilaa iyo hadda wuxuu si xariifsan ula haystaa ciyaarta gobolka, isaga oo ku guulaystay in uu ka dhex ugaarsado danaha is-diiddan ee dowladaha Turkiga, Qadar, Imaaraadka iyo Sucuudiga. Intaas waxaa u sii dheer, in uu si nabdoon uga dabbaashay khilaafkooda.

Kaligiitaliska Elatereya, wuxuu uga faa’ideystay in uu kaga baxo dabin go’doonaydka Itoobiya.

Itoobiya laftirkeeda waxay ka heshay macaash maalgelinayd. Halka Soomaaliya ay dhex maquuratay fashil laba dhinac ah: Macaash la’aan iyo Isle’ekeysiin li’i danaha is-diiddan.

Iskusoowadadduub, lacagta Imaaraadka, Turkiga iyo Shiinaha way shaqaysay; waxay u adeegtay Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Suudaan.

WQ: Hassan Mudane

Lafogure Arrimaha Afrika

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: