ISDABOOLKA DHACDOOYINKA: Sidee dhacdo cusub u dabooli kartaa dhacdo taagan?

BUS-X836E_Overview-1080x675

 

Wixii ka dambeeyey dhacdadii ‘Gu’gii Carabta’ (Arab Spring) dunida waxaa ku dulwareegtay dhacdooyin la siyaasadeeyey, intooda badan loo adeegsaday ujeeddooyin maanduub (Manipulation).  Haddii aynu dib u eegno jiritaanka dhacdooyinka dunida, laba meel ayaa ilo u ah: Midda koowaad, dhacdooyin dabiici ah oo laga soo xukumay samada. Tan labaad, dhacdooyin aan dabiici ahayn, taas oo aan ka baxsaneen moorada bini’aadamka. Kan dambe, waa mid aynu annagu abuurnay, sida dhacdooyinka la xiriira colaadda, afgambiyada, xafladaha maalmaha xorriyadda iwm. Sikastaba, dunidu hadba waxaa maareeya ciddii soosaarta, faafisa dhacdooyinka xambaarsan farriimaha siyaasadeed.

Marka ay timaaddo falanqaynta dhacdooyinka qaar gaar ahaan kuwa siyaasadaysan, dadku badankii laba waddo mid un bay u maraan: 1. Ka sheekeynta dhacdada laftirkeeda (natiijada). 2. Isku shuqlinta raadinta waxa keenay dhacdada (sababta). Maqaalkan waxa uu jawaab u raadin doonaa weyddiintan: Sidee dhacdo cusub u shiiqin (Dabooli) kartaa dhacdo taagan?

Dhacdadii Siiriya

Bishii Maarso 2011, waxaa dunida ku faafay colaaddii Siiriya, taas oo durbadiiba dabooshay dhacdooyinkii ka horreeyey, oo xilligaasi saarnaa masraxa dunida. Waxaan ku doodayaa in ay ahayd dhacdo siyaasadeed uu Maraykanku iyo saaxiibadiisuba ay ugu tallagalayn in ay ku maanduubaan bulshada caalamka, iyaga oo ay kaashanayaan warbaahinta qeybaheeda kala duwan. Maxay tahay sababtii loo buunbuuniyey dhacdadii Siiriya? Sababtu waxa ay ahayd in bulshada caalamka gaar ahaan bulshada Muslimiinta looga mashquuliyo dhacdooyinkii hore sida weerarkii ciraaq, xabsiga kuwaatanaamo baay (Guantanamo Bay), qaddiyadda falastiin iyo dhacdooyin badan oo xilligaasi liddi ku ahaa maslaxadda Maraykanka.

Iyada oo taasi jirta, haddana su’aasha isweydiinta mudan waa maxay tahay sababtii looga aamusay, loona joojiyay isla buunbuunintii dhacdadii Siiriya? Markii Maraykanka iyo saaxiibadiisuba arkeen fashilkooda ku aaddan qorshehii Siiriya ayay billaabayn in ay abuuraan dhacdo cusub, taas oo meesha ka saari doonta ama daboolaysa dhacdadii Siiriya, oo xilligaasi saarneed shaashadaha caalamka.

Si arrinkaasi loo xaqiijiyo, laba koox ayay taageero ka doonayn. Kooxda koowaad, Sucuudiga iyo xertiisa. Kooxda labaad, warbaahinta oo ah kuwa ku xariifsan faafinta dhacdooyinka caalamka iyo maanhabaabinta bulshada. Durbadiiba, waxay abuureen dhacdadii khilaafka Sucuudiga iyo Qadar (Qatar-gulf crisis), taas oo qabsatay shaashadaha caalamka, sidoo kale dabooshay ama meesha ka saartay hadalhayntii dhacdada Siiriya.

Dhacdadii Sucuudiga iyo Qadar

Waa suurtagal in ay jiraan ujeeddooyin badan oo laga lahaa abuurista dhacdadaas, balse waxaan ku dooddayaa dantii ay dowladda sucuudigu ka lahayd waxay ahayd sidii ay ugu dabooli lahayd dhacdadii xasuuqa dalka Yemen. Ujeedkuna wuxuu ahaa sidii bulshada caalamka looga mashquulin lahaa ka sheekeynta dhacdadii Yemen, sidoo kale in laleexiyo kaamirooyinkii ku mashquulsanaa soowerinta barakicintii dadka Yemen, taas oo sababteedu lahayd dowladda Sucuudiga. Dhanka kale, dowaldda Maraykanka dhacdadaasi waxay uga faa’ideysatay ku daboolidda fashilkii qorshehii lagu doonay in kursiga looga tuuro madaxweyne Bishaar Al-Asad ee dalka Siiriya.

Dhacdadii Qalbi-dhagax

Dhacdadii Qalbidhagax waxay bulshada soomaaliyeed ku reebtay saameyn weyn, waxaana ka dhashay sheekooyin la siyaasadeeyey. Waxay ahayd dhacdo si fiican ugu dhex faaftay bulshada, hadalhaynteeduna waxay socotay muddo ka badan laba isbuuc. Iyada oo taagan tii Qalbidhagax ayay xukuumaddu abuurtay dhacdo siyaasadeed cusub si ay meesha uga saarto tan qalbidhagax.

Go’aankii ka soo baxay xukuumadda ee ku saabsanaa ka jawaabcelinta dhacdadii Qalbidhagax waxa uu ahaa mid aan haleelin hadafkii loo gaaray; ujeedkaas oo ahaa in lagu daboolo dhacdadii Qalbidhagax, lana furo dhacdo cusub, taas oo maaweelin karta maanka bulshada.

Marka ay timaaddo sida ay dhacdo cusub u shiiqin (Dabooli) karto dhacdo siyaasadeed taagan, tusaalaha ugu fiican ee la soo qaadan karo waa dhacdadii Barriire. Dhacdadii Barriire waxaa daboolay oo meesha ka saaray tii Qalbidhagax, iyadana waxaa sii daboolay tii 14 Oktoobar. Hubanti, waxa ay ahayd dhacdo siyaasadeed khatarteeda leh, durbadiiba waxay dhalisay shiddo siyaasadeed. Inkasta oo ay xukuumaddu samaysay dhacdo aan meesha ka saarin tii Qalbidhagax, haddana wax yar ayay ku guulaysatay in maanka bulshada ay ka jeediso hadalhaynta dhacdadaas.

Saddex isbuuc kaddib, dadkii tirada badnaa ee hadalhaayay dhacdadii Qalbidhagax, taas oo xilligaasi saarneed shaashadaha warbaahinta Soomaalida, dad yar oo kooban mooye intii kale waxay ku mashquulsanaayeen ka sheekeynta jawaabtii xukuumadda. Sikastaba, dhacdadii Qalbidhagax waxaa shiiqiyey (Daboolay) dhacdooyin badan oo ka dambeeyey sida go’aankii xukuumadda, dooddii baarlamaanka, carwada buuggaagta muqdisho iyo qaraxii 14 Oktoobar.

Dhacdadii 14 Oktoobar

Wixii dhacay maalintii 14 oktoobar waa mid ay warin doonto taariikhda Soomaalida, waxayna u weelaysay jiilalka mustaqbalka fog. Haddaba, in la sharxo dhacdadan oo kale ma ahan mid sahlan waayo waxa ay dalbanaysaa in dhinacyo badan laga eego waxa sababay. Sida aan horay u soo sheegay, marka ay timaaddo hadalhaynta dhacdo, dadka laba ayay u qaybsamaan: Kuwa isku shuqliyay ka sheekeynta iyo faafinta wixii dhacay iyo Kuwa baadigoobaya waxa sababay dhacdada.

Maadaama dhacdadu ay ahayd mid saameyn weyn leh, haddaba sidee loo sharxi karaa? Xilligan oo kale, way adagtahay in dadku ay kaa dhageystaan sharaxaad ka duwan tan suuqa taalla, xitaa haddii ay tahay mid cuskan caddeymo iyo maantus lagu kalsoonaan karo, waayo dadku badankii waxa ay quutayn, sidoo kale oggolaadayn hadalhayntii suuqa horay ugu jirtay. Si kastaba, ma rabo in aan ku mashquulo sababta keeni karta in bulshadu aysan u dhugyeelan, oggolaan sharaxaadaha qaar, taas oo liddi ku ah midda ay rumaysan yihiin.

Waxaa jiray shakhsiyaad qaar oo bixiyey sharaxaad ku saabsan sababta dhacdadii 14 Oktoobar, waxaa ka mida Daahir Calasow[2]. Wuxuu ku dooday, in xukuumaddu laftirkeeda ay ka dambeysay abuurista dhacdadaas, ujeedkuna ahaa in bulshada Soomaaliyeed iyo warbaahintuba looga mashquuliyo dhacdadii qalbidhagax. Maadaama dhacdadii qalbidhagax ay ahayd tii masraxa saarnayd xilligaas, dowladduna laga sugaayay ka falcelin maangal ah, baarlamaankuna rabay in uu dhageysto mooshin ka dhan ah xukuumadda.

Sababooyinkaasi waxay xoojinaysaa doodda dhexe ee maqaalkan, taas oo ah abuurista iyo adeegsiga dhacdooyinka cusub si loogu daboolo dhacdo siyaasadeedka markaasi taagan, hadalhaynteeduna ay caqabad ku tahay maslaxadda dowladda.

Ugu dambeyn, maqaalkan wuxuu ku baaqayaa in baaris cilmiyeed dheeraad ah lagu sameeyo, in dhacdooyinka siyaasadaysan loo adeegsan karo dan siyaasadeed si loogu daboolo dhacdada markaasi taagan iyo in kale, gaar ahaan dhacdooyinka ku kooban Soomaaliya.

WQ: Hassan Mudane

 

Advertisements

One comment

  1. […] qaar oo bixiyey sharaxaad ku saabsan sababta dhacdadii 14 Oktoobar, waxaa ka mida Daahir Calasow[2]. Wuxuu ku dooday, in xukuumaddu laftirkeeda ay ka dambeysay abuurista dhacdadaas, ujeedkuna ahaa in […]

    Like

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: