Monthly Archives: February 2018

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 8aad

  Taariikhda Fekerka Cilmibaarista Casharkii afaraad, shanaad, lixaad iyo toddobaad,  waxa aynu ku soo baranay fekerka cilmibaarista iyo falsafaddeeduba. Casharkan waxa aynu si kooban uga hadli doonaa taariikhda fekerka cilmibaarista. Socodkii dheeraa uu soo maray cilmiga aan ka baxsaneen moorada bini’aadamka waxaan ku matali lahaa sida webi socda oo kale, cilmiga maanta yaalla dunida reer […]

Gorfaynta Buugga: ‘Fire and Fury: Inside the Trump White House’

Buuggan Fire and fury waxaa qoray Michael Wolff, wuxuu ka kooban yahay 327 bog, wuxuuna soo baxay gu’gan 2018. Buugga wuxuu ka billaabanayaa farriinta qoraaga, waana wax iska caadi ah, in qoraa walba uu ku billaabo farriintiisa, si akhristeyaashu u helaan ararta buugga. Hordhaca buugga ku ma arkaysid ka hadalka Trump, balse sheeko dhex maraysa […]

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 7aad

  Maantus Baarineed iyo Dareentus Baarineed Casharkii lixaad waxa aynu ku baranay iskuul fekerka tarjumidda (Interpretivism). Casharkan waxa aynu ku baran doonaa isbarbardhiga labada hab baarineed ee ugu caansan cilmibaarista, taas oo gundhigoodu dhaca felsafadda. Labadaas hab baarineed waxay kala yihiin: Dareentus Baarineed iyo Maantus Baarineed (Inductive research and Deductive Research). Ka hor inta aan […]

Baaris Akademiyeedka Cilmiga Bulshada: Casharkii 6aad

Iskuul Fekerka Tarjumidda Casharkii afaraad iyo shanaad waxa aynu ku soo baranay iskuul fekerka togannidda iyo mad-habka itusoo itaabsii (Positivism and Empiricism). Casharkan waxa aynu ku baran doonaa iskuul fekerka tarjumidda (Interpretivism), kaas oo liddi ku ah iskuul fekerka togannidda. Waxaa jira meelo badan oo ay isku diiddan yihiin labadoodaba, sida ogaanshaha ogaanta iyo jiritaanka […]

CADOWGA MAANGALKA

“Science is the poetry of reality.” Richard Dawkins *** “Saynisku waa ku gabyidda xaqiiqda/dhabnimada/runta.” Richard Dawkins Profesor Richard Dawkins waa Alle diid rumaysan caddeymaha sayniska, maangal iyo maantus. Cinwaanka ‘Cadowga Maangalka’ ee muuqaalkan: https://www.youtube.com/watch?v=0Igj7bRIpTQ taas oo uu ula jeedo cid walba oo rumaysan wixii ka baxsan moorada caddeymaha sayniska iyo maangalnimada. Si kale u dhig, […]