Isbeddal siyaasaddeedka cusub ee Soomaaliya!

c2lqs4dweaakl5k

Qormadan waxay ku saabsan tahay isbeddal siyaasaddeedka cusub ee Soomaaliya. Dalka Soomaaliya waxay heshay hoggaan cusub oo laga filayo in uu fulin doono balanqaadkii ahaa nabad iyo nolol. Soomaaliya waxay cagta saartay waddadii ay ku gaari laheyd hannaan demoqoraadiyadeed oo ku dhisan hal qof iyo hal cod. Isbeddalkan cusub wuxuu tusaale dhab ah u noqday in Soomaaliya ay doonayso in ay ka guurto nidaamkii hore ee ku dhisnaa qabiilka una guuri doonto nidaamka cusub ee xisbiyada. Wuxuu tusaale u noqday in mustaqbalka dhow siyaasadda Soomaaliya ay noqon doonto mid loo kala baratamo kalsoonida shacabka. Wuxuu kaloo tusaale u noqday in marwaliba uu guulaysan doono qofka kasbada kalsoonida shacabka.

Wixii ka dambeeyey burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, shacabka waxay ku soo jireen dhibaatooyin kala duwan. Dadka intooda badan waxay ahaayeen kuwa rajo ku nool, waxay sugaayeen maalin un in ay arki doonaan isbeddal ku dhaca siyaasadda Soomaaliya. Waxay u baahi qabeen oo ay baadi goob ugu jireen nabad iyo nolol muddo dhan 26 sano. Isbeddalkan cusub ee dalka ka dhacay, wuxuu adeegsaday xeelad ku bees gareysan baahi bulsho. Wuxuu shacabka tusay qorshe-siyaasaddeed ay ka dhex arki karaan rabitaankooda. Shacab u baahan nabad iyo nolol; shacab u baahan isbeddal cusub ayaa waxay dhalisay isbeddalkan cusub. Maadaama shacabkii ay heleyn wixii ay u baahnaayeen, jawaabtoodii waxay noqotay mid wanaagsan waayo isbeddalka cusub waxaa lagu soo dhoweeyey qalbi furan iyo in lala wadaagay farxada iyo dabaaldaga guusha.

Taariikhda Madaxweynaha oo kooban

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, madaxweynaha cusub ee dowlada federalka Soomaaliya. Wuxuu dhashay sanadkii 1962 kuna dhashay magaalada Mogadishu. Wuxuu waxbarashadiisa heerka koowaad iyo mida labaadba ku qaatay jaamacadda Buffalo ee dalka Maraykanka. Wuxuu ka soo shaqeeyey dowladii dhexe ee kacaanka, isaga oo soo noqday danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Maraykanka. Sanadkii 2010 wuxuu ra’iisal wazaare ka soo noqday dowladii uu hoggaaminaayey Shariif Sh. Axmed.
Waxaan filayaa in uu ku sifeysan yahay sida ay dad badani aamminsan yihiin in uu yahay shakhsi leh hami sare, hiraal fog, karti iyo aqoon ku dhisan wax qabad. Taasi kaliya maahan wax ku dhisan aragtida bulshada Soomaaliyeed balse waa shakhsi ay horay bulshada u soo tijaabisay.

Maxaa laga filan karaa isbeddalkan cusub

In isbeddal dhici doono iyo in kale dood kama furna, balse dooda waxay ka furan tahay isbeddalka dhici doona ma sidii loo qorsheeyey ayuu u dhici doonaa mise si ka duwan? Culumada odorosta siyaasadda arrimaha dibada marka ay rabaan in ay ogaadaan shakhsiyadda hoggaamiye siyaasaddeedka, qorsheyaashiisa iyo go’aanada uu sameyn doono mustaqbalka. Waxay adeegsadaan hab loo yaqaano taxliil astaameed hoggaamin (Leadership Trait analysis). Waxay odorosaan oo ay u fiirsadaan erayada uu adeegsado hoggaamiyaha marka uu khudbeeynayo kaddibna waxay ka tusaale qaataan shakhsiyadda hoggaamiyahaas iyo nooca go’aamada uu sameyn doono. Kaliya waxay u baahanahay in aad dib u daawato khudbadii uu madaxweynaha ka hor jeediyey baarlamaanka. Markaad eegto khudbadii Madaxweynaha waxaad ogaanaysaa in ay aheyd khudbad miisan leh oo ku dhisneyd qorshe-siyaasaddeedkiisa taas oo aad ka dhex arki karto barta uu hiigsanaayey.

Haddaad si wanaagsan u daawato khudbaddii Madaxweynaha, kelmadda ‘Shacabka’ ama ‘Dadka’ wuxuu adeegsaday 25 jeer. Sidoo kale, kelmadda ‘Dalka’ wuxuu adeegsaday 9 jeer. Waxaan filayaa in uu yahay shakhsiga kaliya ee dhowr jeer ku soo celceliyey kelmadda shacabka ama dadka. Haddaba, iyada oo laga qiyaas qaadanayo inta jeer ee uu adeegsaday kelmadda shacabka iyo dalkaba waxaa si fudud lagu saadaalin karaa in uu noqon karo hoggaamiye go’aanadiisa ku bees gareeya danta dalka iyo dadka.
Isbeddalkan cusub waxaa laga filayaa in uu saxo khaladaadkii hore sidoo kalena in uu dalka iyo dadkaba u horseedo isbeddal ku salaysan hab-dhaqan siyaasaddeed. Madaxweynaha wuxuu balan qaaday in uu fulin doono 10 hab-dhaqan siyaasaddeed oo kala ah:

1. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in lagu faano dowlad shisheeye baa iwadata marka ay timaado doorashada [Madaxtinimada] dalka.
2. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in aysan wadashaqeyn Golaha baarlamaanka iyo xukuumada.
3. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in la xiro Golaha baarlamaanka goorta ay doorashada soo dhowaato.
4. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in mushaharka shaqaalaha loo arko in ay tahay hadiyad markii la doono madaxdu ay bixiso balse aan loo arag xuquuq sharci ah.
5. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in malaayiin doolar lagu bixiyo mooshin loo adeegsado in lagu rido dowlad laguna dhiso mid kale.
6. In la beddalo hab-dhaqanka ugu xun ee siyaasaddeeda ku jirta taas oo ah in la quusto.
7. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in madaxda dowlada ay u baxaan safaro dibada oo lagu lumiyo waqti iyo hantida qaranka.
8. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in aan xil la iska saarin nolosha amniga xildhibaanada balse loo soo baahdo marka laga rabo cod iyo mooshin.
9. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in amnigeena cid kale masuul nooga noqoto.
10. In la beddalo hab-dhaqankii hore ee ku salaysnaa in awoodda dowlada lagu caburiyo shacabka intii loogu adeegi lahaa.

Qorshe-siyaasaddeedka isbeddalka cusub

Isbeddalkan cusub waxaa laga filayaa in uu hirgeliyo qorshe-siyaasaddeedkiisa ku dhisan nabad iyo nolol. Khudbadii Madaxweyanaha wuxuu ku soo gudbiyey qorshe-siyaasaddeedkiisa ku’aadan hoggaaminta dalka. Qorshe-siyaasaddeedkaas waxaa saldhig u ah labo arrimood oo ka turjumeesa baahida bulshada Soomaaliyeed:

1. Nabad
2. Nolol

Qorshe walba oo la rabo in la xaqiijiyo waa in ay jiraan ujeeddooyin lagu gaari karo qorsheyaashaas. Khudbadii Madaxweynaha wuxuu ku sheegay in uu diirada saari doono amniga si nabad loo gaaro. In uu xoojin doono sirdoonka qaranka si nabad loo gaaro. In uu abaabuli doono shacabka si ay oga hortagaan [Al] shabaab. Dhanka kale, wuxuu sheegay in uu ladagaalami musuqmaasuq si nolol loo gaaro. In la soo celin doono kaabayaasha dhaqaale si nolol loo gaaro. In [dalka la keeno] maalgelin shisheeye si nolol loo gaaro. In dib u heshiisiin loo sameeyo shacabka Soomaaliyeed si nolol loo gaaro. [In laga shaqeeyo] Dowlad wanaag si nolol loo gaaro.

Ugu dambeyntii, qof walba oo Soomaaliyeed gaar ahaan aqoonyanada, dhallinyarada, dumarka iyo odayaasha dhaqanka, waxaan kula dardaarmayaa in masuuliyadda dalka iyo dadka aydan ku fiirsan hal qof balse ay habboon tahay in hoggaaminta dalka loo fahmo in ay tahay hoggaamin bulsho balse aysan aheyn kaliya hal qof. Dib u xusuuso xikmadii aheyd “Far kaliya fool ma dhaqdo.” Waxaan u hambalyeenayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, waxaan ugu hambeelyanayaa isbeddalka cusub. Waxaan Alle oga baryayaa in isbeddalkan cusub uu sabab u noqdo isku soo dhoweenta shacabka Soomaaliyeed una horseedo nabad iyo nolol.

WQ: Hassan Mudane
Jaamacadda Istanbul Ticaret University.
Barashada Afrika iyo Xiriirka Caalamiga.
Homar.ahmed@istanbulticaret.edu.tr
Istanbul/Turkey

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: