Shacabka Soomaaliyeed waxaa soo maray xukun militari oo si arxandarro ah ula dhaqmay, dagaal-ooge dad cun ah, wadaad kursi doon ah iyo siyaasi maran oo dib-u-dhiska dowladnimo u fahmay in ay tahay magac ka sameyso, ka taajir, kana dhoof. Nasiibxumo, waxaa ka dhashay in siyaasaddii dalka ay iska noqoto albaab furan, hadba waxaa dalaq iska […]

  “Haddii wax qoristu tahay jimicsiga maskaxda, maqaallo qor” -Mudanist Sanadkan sii dhammaanaya ee 2019, waxaan ka helay boholyow qoris iyo akhris. Waa sanadkii aan dhex maquurtay badweynta qoraalka. Waxaan ka warhelay aniga oo si gaar ah u daneynaya mowduucyada arrimaha bulshada, siyaasadda, dhaqanka iwm. Waxyaabaha la yaabka leh ee qorista maqaallada i jeclaysiiyay waxaa […]

Waxbarashadu waa aqoon iyo waayo’aragnimo la uruuriyey. Aqoontuna wax kale ma aha oo aan ka ahayn la socodka iyo dib-u-aragga jiraalada uunka nool iyo kuwa aan noolayn, qaababka kaladduwan ee maaterka nool iyo midka aan noolayn. Waxbarashadu waa ogaanshaha sida runta ah ee ay wax u jiraan, haddii ay tahay bulsho, dabeecad, maamul, dhaqan, iyo […]

Toogasho iyo awood militari xal ma aha, ee waxaan soojeedinayaa in dowladda ay isticmaasho xeesha “moral authority and soft power,” si ay ula dagaalanto fekerka xagjirnimada ee argagaxisada. Dalalka la dagaalama argagaxisada waxay leeyihiin xeelado ay ugu talaggaleen in ay kaga hortagaan halista kaga imaanaysa fekerka xagjirnimada. Somalia ma leedahay xeeladaha ka hortaga argagaxisada (counter-terrorism […]

Waa kelmed markii ugu horreysay uu Antoine Destutt de Tracey ku halqabsaday ka dib kacdoonkii Faransa. Wuxuu ka waday in fekerku noqdo mid qumman, horusocod iyo mid ka madaxbannaan khuraafaad oo dhan. Xilligaa Faransa waxaa ku xoog badnaa fekerka diiniga, oo markaa ka shaqaynaayay danta dabaqadda kaniisadda. Fekerku, waxaa loo arkay in uu yahay aragti […]

Somalia waxaa ka socda siyaasad kharriban, oo halis ku ah jiritaanka qarannimo. Siyaasiyiinta qurbajoogta ah ee dalka iska maamusha bilaa xisaabtan waa kuwa aan waxba isku oggolayn, waxaa ka dhexeeya xiriir cadowtooyo (Siege mentality), sidoo kale maankoodu wuxuu isku yahay muducyo af leh oo iska soo horjeeda, mana isku tanaasulaan. Waa arrin aan u fiirsaday […]

Aqoonta laga helo cilmiga “Anthropology” waxaa lagu xalin karaa wax badan oo ka mid ah mushkiladaha naga haysta dhanka dhaqan nololleedka iyo dhaqan siyaasiga bulshadeena, waa haddii aqoonyahanku si dhab u derso dhaqan nololleedkaas. Bulshadeena waxaa ku furan mushkiladu kala duwan, haba ugu horreeyaan kuwa hadda taagan sida dhaqaalaha, siyaasadda, amniga iwm. Waxaa kaloo jira […]